Waxaan booqasho ku tagay wadankeyga hooyo ee soomaaliya oo aan muddo waxbasho uga maqnaa dalka Turkiga. Inta aan ku sugnaa gudaha dalka waxaan booqday goobo kala duwan si aan ugu kuurgalo inta uu la egyahay isbedelka kajira dalka gudidiisa gaar ahaan caasimada dalka ee Mogadishu. İsbedel badan ayaa ka dhacay caasimada intaan ka maqnaa waloow ay waxbadan ay u harsanyihiin. Hormarada lataaban karo ayaa waxaa ka mid ah; ambiga oo kasoo kabanaya meeshuu joogay, dib udhis lagu sameeyey laamiyadii burburka kasoo gaaray dagaaladii sokeeyo ee dalka ka qarxay, waxbarashada oo soo kobceeys iyo gurba joog badan oo dadka kusoo laabaneyo. Mar’aan casuumaad ka helay xaflad qalan jabin arday jaamacadeed oo ay qabaneysay mid kamid ah jaamacadaha caasimada ku yaalo, xaflada ayaa waxaa ka qalin jabineysay arday gaaraya ilaa 840 arday oo kuliyado kala duwan ahaa, intaan kugu dajiray mashrada xaflada qalin jabinta ardayda heerka jaamcadeed ayaan waxaan miisaamay arday waxkubarata dalka gudihiid gaar ahaan arday jaamacadaha tiradooda iyo tayadooda. Su’aalaha aan isweydiiyey ayaa waxaa ka mid aheyd; haddii sanadkiiba arday intaas la’eg hal jaamcad kasoo qalin jabineyso guud ahaan jamacada caasimada imisa ayaan kasoo qalin karto? Dhinaca kale marka aan ka hadleyno waxbarashada waxaa aad u badanayey furitaanka jaamacada laga furaayo caasimada. İntaan waxaan ugu hadlay tirada jaamcada iyo cadadka arday soo qalin jabineyso waxaan jeclahay inaan wax yar ka taabto dhanka tayada waxbarashada iyo jaamacadaha wadankasta waxbarashadiisa waxaa maamula wasaarada waxbarashada wadankaas uu leeyahay, ayadoo sidaas ay tahay wadan waxaa ka jirra iskuulo macadyo ah iyo jaamacada badan oo hoostagin amaba awaamiirta kaqaadan wasaarada waxbarashda dalka, mana jirto hey ad u xilaasan waxbarashada dalka. Sidaasi darteed waxaa adagkeyd in sidhab ah loo ogaad heerka tayo ee waxbarashada jaamacadaha dalka. Waxyaalaha kale ee lataabankaro ayaa waxaa kamid ah, dalka waxaa kusoo laabanayan dad aad u badan oo qurbaha deganaa mudo badan. Imaashaha dadkaan ayaa waxa ay ka dambeeysay kadib markii ay soo noolaatay nabadii, dalkuna uu dib ugu soo kabanayo culaadihii iyo burburkii.

Hiç yorum yok:
Yorum Gönder