GABAY-DALXIIS
Dal tabyoo wayee waa inaan dib ugu laabtaaye
Dabeyshiisa uduga leh baa lagu dawoowaaye
Dulbaaxdii macaaneydna waa laga dalbaayaaye
Dadkeeni gabbay dadyoowga uguma liitaane
Duul kalaa inoo daba maray uu damac ka hayaaye
Oo doonaya inay nala degaan doowga soo haraye
Dalsankii diinsoor baan tawaa daa'in abidkeeye
Deynuuno iyo beydhabo janaay daacad baan u ahaye
Waxaan taway dugsiyadii quraan macalin diimeede
Dambarkii hashaadoo dhashaa doobi loo culane
Waxaan taway dadkii iswada jeclaa deris wanaagiiye
Dusha ceel bardiyo waajid bey darani iitaale
Doolow iyo luuq waa inaan wada dawaafaaye
Deexadii kismaayiyo jilib daaqu iga raacye
Waa halkii deeqdu lagu daadiyee oo lagu dalxiisaayey
Durdurada afgootaan rabaa inaan wada dawaafaaye
Dooga wacan iyo webiyada qulqula waa inaan qarka
daawada'e
Deexadii markiyo jowhar waan daqiiqamayaaye
Daljirkii dalsoon baan dulsuri calankii dowga ahaaye
Beladweyne dalagii kuyiil waan ku diirsadaye
Boosaasiyo bandarqaasi mar baan daawasho u imaan insha-
Allah'e
Dubaaqeygu kama jarna berbera iyo buurti daalloo dahabku saarnaaye
Deegaankii jabuutina allow daryeel daa'in abidkeeda
Qore: Mowlid Aden Hassan ...Jimaarik
Hiç yorum yok:
Yorum Gönder