19 Eylül 2015 Cumartesi


Waxaan booqasho ku tagay wadankeyga hooyo ee soomaaliya oo aan muddo waxbasho uga maqnaa dalka Turkiga. Inta aan ku sugnaa gudaha dalka waxaan booqday goobo kala duwan si aan ugu kuurgalo inta uu la egyahay isbedelka kajira dalka gudidiisa gaar ahaan caasimada dalka ee Mogadishu. İsbedel badan ayaa ka dhacay caasimada intaan ka maqnaa waloow ay waxbadan ay u harsanyihiin. Hormarada lataaban karo ayaa waxaa ka mid ah; ambiga oo kasoo kabanaya meeshuu joogay, dib udhis lagu sameeyey laamiyadii burburka kasoo gaaray dagaaladii sokeeyo ee dalka ka qarxay, waxbarashada oo soo kobceeys iyo gurba joog badan oo dadka kusoo laabaneyo. Mar’aan casuumaad ka helay  xaflad qalan jabin arday jaamacadeed oo ay qabaneysay mid kamid ah jaamacadaha caasimada ku yaalo, xaflada ayaa waxaa ka qalin jabineysay arday gaaraya ilaa 840 arday oo kuliyado kala duwan ahaa, intaan kugu dajiray mashrada xaflada  qalin jabinta ardayda heerka jaamcadeed ayaan waxaan miisaamay arday waxkubarata dalka gudihiid gaar ahaan arday jaamacadaha tiradooda iyo tayadooda. Su’aalaha aan isweydiiyey ayaa waxaa ka mid aheyd; haddii sanadkiiba arday intaas la’eg hal jaamcad kasoo qalin jabineyso guud ahaan jamacada caasimada imisa ayaan kasoo qalin karto? Dhinaca kale marka aan ka hadleyno waxbarashada waxaa aad u badanayey furitaanka jaamacada laga furaayo caasimada.  İntaan waxaan ugu hadlay tirada jaamcada iyo cadadka arday soo qalin jabineyso waxaan jeclahay inaan wax yar ka taabto dhanka tayada waxbarashada iyo jaamacadaha wadankasta waxbarashadiisa waxaa maamula wasaarada waxbarashada wadankaas uu leeyahay, ayadoo sidaas ay tahay wadan waxaa ka jirra iskuulo macadyo ah iyo jaamacada badan oo hoostagin amaba awaamiirta kaqaadan wasaarada waxbarashda dalka, mana jirto hey ad u xilaasan waxbarashada dalka. Sidaasi darteed waxaa adagkeyd in sidhab ah loo ogaad heerka tayo ee waxbarashada jaamacadaha dalka. Waxyaalaha kale ee lataabankaro ayaa waxaa kamid ah, dalka waxaa kusoo laabanayan dad aad u badan oo qurbaha deganaa mudo badan. Imaashaha dadkaan ayaa waxa ay ka dambeeysay kadib markii ay soo noolaatay nabadii,  dalkuna uu dib ugu soo kabanayo culaadihii iyo burburkii.

3 Temmuz 2014 Perşembe

                   GABAY-DALXIIS                          
Dal tabyoo wayee waa inaan dib ugu laabtaaye
Dabeyshiisa uduga leh baa lagu dawoowaaye
Dulbaaxdii macaaneydna waa laga dalbaayaaye
Dadkeeni gabbay dadyoowga uguma liitaane
Duul kalaa inoo daba maray uu damac ka hayaaye
Oo doonaya inay nala degaan doowga soo haraye
Dalsankii diinsoor baan tawaa daa'in abidkeeye
Deynuuno iyo beydhabo janaay daacad baan u ahaye
Waxaan taway dugsiyadii quraan macalin diimeede
Dambarkii hashaadoo dhashaa doobi loo culane
Waxaan taway dadkii iswada jeclaa deris wanaagiiye
Dusha ceel bardiyo waajid bey darani iitaale
Doolow iyo luuq waa inaan wada dawaafaaye
Deexadii kismaayiyo jilib daaqu iga raacye
Waa halkii deeqdu lagu daadiyee oo lagu dalxiisaayey
Durdurada afgootaan rabaa inaan wada dawaafaaye
Dooga wacan iyo webiyada qulqula waa inaan qarka 
daawada'e
Deexadii markiyo jowhar waan daqiiqamayaaye
Daljirkii dalsoon baan dulsuri calankii dowga ahaaye
Beladweyne dalagii kuyiil waan ku diirsadaye
Boosaasiyo bandarqaasi mar baan daawasho u imaan insha-
Allah'e
Dubaaqeygu kama jarna berbera iyo buurti daalloo dahabku saarnaaye
Deegaankii jabuutina allow daryeel daa'in abidkeeda
Qore: Mowlid Aden Hassan ...Jimaarik

Wadanka turkiga waadanka kaalinta koowaad ka galay taageerida iyo hormarinta wadankeena sida waxbarasha, caafimaadka iyo dib udhiska dalka.
Turkiga ayaa soomaali soo gaaray sanadkii 2011 mar ay  guud ahaan wadan ay ku dhufatay abaar geed iyo duunyo ba baabi'isay mahad EEBBE haka gaaro igana badal kheyr ha siiyo.waxaan rajeyjo balaaran ka qabaa haddii dhalinyarada wiilaaha iyo gabdhahaba leh ee wax u soo baranaya wadankooda ay dib ugu soo laabtaan wadanka ayagoo wax soo bartay ay dalka wax weyn ka badali doonaan insha allaah.

ku waani waa qaar ka mid ah ardayda deeqaha wax baro helay wadan aynu walaaha nahay ee turkiga sanadii 2012 waxay hada wax ku bartaan wadanka turkiga weliba ayagoo kuliyadu kala duwan dhiganaya.
Sidoo kale waxaa jira arday boqolaal ah oo wadanka turkiga ku barata waxbarasha heerkeeda kala duwan sida Master degree, under-graduate iyo secondary level.
Waxaan shaki ku jiran oo marna caad saarneyn inay runtahay oraahda dhaheysa "Dalwaliba waxaa dhista dadkiisa"  bursha kastana xooga iyo muruqa ay ku faanto wax uu ku jiraa barbaarta amaba da'yarta soo koreysa.



1. C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, waxa uu ku dhashay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool sanadku markuu ahaa 1919-kii, wuxuuna xilligaasi wuuxu jiray 24-sano.
2. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, waxa uu ku dhashay magaalada Mareeg oo ka tirsan gobolka Galguduud sanadku markuu ahaa 1915-kii, xilligaasi wuxuu jiray 28-sano.
3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1917-kii, xilligaasi wuxuu jiray 26-sano.
4. Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1917-kii, xilligaasi wuxuu jiray 26-sano.
5. Cismaan Geedi Raage waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.
6. Dheere Xaaji Dheere waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee obolka Banaadir sanadkii 1926-kii, xilligaasi wuxuu jiray 17-sano.
7. Daahir Xaaji Cusmaan waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.
8. Cali Xasan Maslax waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1927-kii, xilligaasi wuxuu jiray 24-sano.
9. Maxamed Cali Nuur waxa uu ku dhashay degmada Shangaani ee ka tirsan Gobolka Banaadir sanadkii 1927-kii, xilligaasi wuxuu jiray 16-sano.
10. Maxamed Faarax Hilowle waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan gobolka Galgaduud sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.
11. Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1918-kii, xilligaasi wuxuu jiray 25-sano.
12. Huudoow Macalin Cabdulle waxa uu ku dhashay degmada Mareeray ee gobolka Sh/Hoose sanadkii 1926-kii, xilligaasi wuxuu jiray 17-sano.
13. Maxamed Cusmaan Baarbe waxa uu ku dhashay degmada Baardheere ee gobolka Gedo sanadkii 1910-kii, xilligaasi wuxuu jiray 33-sano.

(Waxaa ururkii SYL sanadkaasi Xoghaye guud looga dhigay C/laahi Ciise Max’uud oo isugu ahaa Ra’isul wasaarihii Xukuumaddii daakhaliga aheyd ee ka horeysay xilligii gobanimada la qaatay.)